Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda sanadkan oo dhan

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo toddobaadkan lagu ansixiyay Miisaaniyadda Puntland ee sanadkan oo dhan $354,039,039.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale lagu ansixiyay Siyaasadda Kaabista Ciidamada Dowladda Puntland iyo Xeerka Fayadhowrka Caanaha Xoolaha Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa kale oo looga hadlay Doorashaddii goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomtay degmooyinka Ufeyn , Eyl iyo Qardho, doorashadaasi oo ahayd guul taariikhi ah oo Puntland ku hoggaamisay Soomaaliya inteeda kale, waxaana ka go’an Puntland in ay dhameystirto hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda oo dhakhso loo guda galo qabashada Doorashadda goleyaasha deegaanka ee degmooyinka kale ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here