Golaha wasiirada Puntland oo maanta shir ku yeelanaya Garoowe + ujeedka

0

GAROOWE (SMN) – Golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu wadaa inay maanta kulan ku yeeshaan Garoowe, kadib markii uu Khamiistii baaqday shirkoodii todobaadlaha ahaa.

Shirkaan ayaa waxaa maanta diiradda lagu saari doonaa xaaladda amniga, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada ay Somaliland ka wado degmada Boocame ee gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in golaha wasiirada ay qaadi doonaan tallaabooyin looga jawaabayo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay wado Somaliland.

Labadaan maamul oo xuduud wadaag ah ayaa isku haya gacan ku heynta deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here