Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulan gaar ah

0

MUQDISHO (SMN) – Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa labada duhurnimo ee maanta yeelanaya kulan gaar ah, iyadoo xalay xubnaha golaha loo diray fariin guud oo wargelin ah.

Kulanka golaha wasiirada ayaa ah mid aan caadi aheyn, maadaama kulankan uu ka baxsan yahay midkii todobaadlaha ah ee ay yeeshaan golaha maalin kasta oo Khamiis ah.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin ujeedka kulankan oo daba socday shirkii golaha wasiirada ee dib loo dhigay Khamiistii lasoo dhaafay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in golaha wasiirada maanta la horgeeyo taliyaha cusub ee NISA iyo ku xigeenkiisa, si ay u ansixiyaan.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa dhowaan ku heshiiyey in madaxweynuhu soo magacaabo hoggaanka NISA, kadibna la marsiiyo xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here