Goodax Barre ‘Raalli-gelin deg-deg ah ha bixiso wasaaradda waxbarashada”

0

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka hadlay xiisadda u dhexeysa wasaaradda waxbarashada iyo gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in laga haboon-yahay is qab-qabsiga haatan u dhexeeya labada dhinac, wuxuuna tilmaamay inuu jiro heshiis waxbarasho oo ay horey labada dhinac u kala saxiixdeen, gaar ahaan xilligii uu isaga joogay wasaaradda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in doorka wasaaradda kaliya uu yahay inay la shaqeyso, sidoo kalena ay taakuleyso maamulka gobolka Banaadir, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirkii hore ee waxbarashada ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda wasaaradda inay raalli-gelin siiyaan gobolka Banaadir, wuxuuna yiri ‘Raalli-gelin deg-deg ah ha bixiso wasaaradda waxbarashada,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddooyinkii u dambeeyey xiisada labada dhinac ay cirka isku sii shareereysay, waxayna soo saareen go’aano culus oo iska soo horjeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here