Xubno ka socda maamul goboleedyada oo gaaray Garbahaarey

0

Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxa gaaray guddiga dibu heshiisiinta ee ka socda maamul goboleedyada xubnaha ka ah dawladda federaalka marka laga reebo Jubaland.

Guddigan oo ay xubno ka yihiin wasiiro ka tirsan maamul goboleedyada ayaa durba bilaabay la tashiyada ku aadan sidii dibu heshiisiin looga dhex abuuri lahaa bulshada gobolka, looguna diyaarin lahaa ka qaybgalka doorasho loo dhan yahay oo lagu qabto magaalada Garbahaarey.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo bilowgii toddobaadkan uu Maamulka gobolka Gedo sheegay in wax xiriir iyo wada-shaqeyn ah uusan kala dhaxeyn madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayna sugayaan sida ay sheegeen in muddo xileedkiisa uu dhamaado.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Maxamed (Canjeex) oo BBC u warramay ayaa sheegay in maadaama uusan xiriir ka dhaxeyn maamulkiisa iyo maamulka Kismaayo, aysan aqbali doonin guddiga doorasho oo heer maamul-goboleed ah oo laga soo magacaabay magaalada Kismaayo.

Arrinta gobolka Gedo waxay qeyb ka ahayd khilaafkii ragaadiyay doorashada Soomaaliya ee dib u dhacday, waxaase heshiiskii xukuumadda iyo maamul-gobolledyada ka mid ahaa in guddi dib u heshiisiin loo saaro arrinta Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here