Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal ee BF oo guddoon doortay

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehlisay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yasiin Samatar ayaa ka qayb galay doorashada Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgelinta Dastuurka BFS.

Doorashada Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo loo tartamay ilaa saddex boos Guddoomiye, ku xigeen iyo xoghaye ayaa loogu kala guulaystay sidan.

Xilka Guddoomiyaha waxaa ku guulaystay Xildhibaan Xuseen Iidow oo aysan jirin cid la tartantay halka guddoomiye ku xigeenka guddigana uu ku guulaystay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo helay 5 Cod halka Senator Xasan Xuseen Xaaji oo la tartamay uu helay 4 cod, xoghaya guddigana waxaa ku guulaystay Senator Saciid Cabdi Xuseen oo aysan jirin cid la tartantay.

Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahib iyo Sacdiyo Yaasiin samatar oo doorashada goobjoog ka ahaa ayaa bogaadiyay hannaanka ay u dhacday doorashada Guddiga Dastuurka Baarlamaanka iyagoo ku booriyay in ay si hufan oo xilkasnimo leh u gudtaan waajibaadka loo igmaday ee qabyo tirka Dastuurka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here