Guddiga doorahooyinka ee heer federaal oo war cusub soo saaray

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga doorashada Heer fedaraal ayaa soo saaray warsaxafadeed ku saabsan xaalada doorashada iyo jadwalada is bad-badalay ee horay usoo baxay, kadib markii ay adkaatay sidii loo qorsheeyay fulinta doorashada dalka.

Guddiga waxuu shaaciyay in 16-ka bishaan Novembar in si rasmi ah u bilaabaneyso doorashada Aqalka Hoose, lana soo gabagabeyn doono 24-ka bisha dambe ee Decembar.

Jadwalkii ugu dambeeyay ee guddiga doorashada soo saareen waxa uu qorshahiisu ahaa in doorashada Golaha Shacabka la bilaabo 1- bishii Oktober lana soo gabagabeyo20-ka bishan Novembar, mana suurta galin in jadwalkaasi uu dhaqan galo, walow laba Xildhibaan kaliya la doortay mudadaasi dhexdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here