Guddiga doorashada Aqalka sare oo billaabayo diiwaangelinta musharixiinta

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga doorashada guddoonka Golaha Aqalka sare ayaa maanta oo Talaada ah billaabaya diiwaangelinta musharaxiinta guddoonka golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xalay guddiga ayaa lagu yiri ” Maalinta Barri ah 19 April 2022, guddiga doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS wuxuu billaabayaa diiwaangelinta murashaxiinta u tartamaya xilka guddoonka golaha Aqalka Sare”.

Dorashada ayaa waxaa loo qorsheeyey in ay dhacdo 26-ka April & 27-ka April 2022 oo la kala dooran doono guddoonka labada Gole, kadibna waxaa xigi doono doorashada Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here