Guddiga doorashada gobolada waqooyi oo shaaciyey doorashada 16 kursi

0

Muqdisho (SMN) – Guddiga maamulka doorashada gobolladda waqooyi ee Somaliland ayaa u gudbiyey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal inay qaban doonaan 16 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale  guddiga ayaa waxa uu ku war galiyey beelaha kuraastaa leh in ay 1/12/2021 ay yimaadan xarunta Guddiga SEIT.

Doorashada Golaha Shacabka oo ay cabasho xoogan ka timid ayaa ka socota magaalada Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here