Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo qalab lagu wareejiyey

0

Guddiga Hirgellinta Doorashada Dowlad  Goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa maanta qalabka Doorashada kala wareegey hay’adda UNSOM xafiiskeeda Baydhabo, kaas oo isugu jira sanduuqii lagu codeen lahaa iyo  qalab kale, waxaana qalabka la wareegey xubno ka tirsan Guddiga  Doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qalabkan maanta guddiga lagu wareejiyey ayaa muhiim ah howlaha shaqo ee qabashada Doorashada, waxana Guddiga gudagaleyaa diyaar garow iyo  wadatashi ku qotama qabashada Doorasho xor iyo xalaal ah oo si nabdoon ku qabsoonta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here