Guddiga doorashada oo baaq culus u diray musharixiinta madaxweynaha

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga doorashada madaxweynaha oo war cusub soo saaray ayaa baaq u diray musharixiinta xilka madaxweynaha ee beri ku loolami doono doorashada ka dhaceysa Teendhada Afisyooni.

Guddiga ayaa ka dalbaday xubnaha musharixiinta ah inay soo gudbiyaan qof wakiil ah uga noqda tirinta codadka doorashada.

Halkan hoose ka aqriso:- 

OGAYSIIS MUHIIM AH:

Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka.
Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda

FG: Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30am (duhurnimo) ee maanta.

MAHADSANIDIIN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here