Guddiga doorashada oo la kulmay Guddiga xaqiijinta Qoondada Haweenka

0

Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal oo uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga mudane Maxamed Xasan Cirro, ayaa caawa la kulmay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka ayaa ahaa mid ku qotomay is xogwaraysi iyo talo is waydaarsi ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenka ee Doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu kulankan kusoo aadayaa, xilli ay haatan si rasmi ah u bilaabatay doorashada Aqalka Sare, taas oo ay qeyb ka mid ah xubno haween ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here