Guddiga doorashooyinka dalka oo laalay doorashada kuraasta HOP103 & HOP154

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa laalay doorashada labo kursi oo dhowaan lagu doortay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaas kala ah HOP103 iyo HOP154.

Afhayeenka guddiga, Axmed Safiino oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in doorashada labadaas kursi aan loo marin habraaca loo dajiyey doorashada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kuraasta HOP103 iyo HOP154 dib loogu noqon doono, si loo waafajiyo habraaca lagu heshiiyey ee doorashooyinka 2021-ka.

Kursi ka mid ah kuraasta la laalay waxaa horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dacwad u gudbiyey guddiga doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here