Guddiga doorashooyinka Gobollada Woqooyi oo war cusub soo saaray

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada Woqooyi (Soomaaliland) Khadar Xariir Xuseen, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Soomaaliland, ka dib kulan uu maanta uu Ra’iisul Wasaare Rooble la yeeshay guddiyada doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo SIET Soomaaliland.

“waxaa la isla qaatay in labada isbuuc ee soo socota doorashooyinka si fiican oo hufan ay u bilowdaan, waxaa la isla qaatay in goobtii doorashada la soo qiimeeyo Odayaashii iyo ergadii soo xuli laheedna la dadejiyo , iyo in kuraasta ugu horeesa ay qabsoomi doonaan labada isbuuc gudahood la islana gartay qorshe hoowleed dhamees tiran oo ku qotama shaqa walba iyo xiligalaqaban doono”

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada Woqooyi ayaa sheegay in ay ballan qaadayaan in doorashada waqtigeeda aysan dhaafin si fiicana ay u qaban doonan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here