Guddiga doorashooyinka oo ka warbixiyey halka ay marayso doorashada dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka guddiga doorashooyinka Amb Axmed Safiina oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyey halka uu marayo hanaanka doorashada dalka, isagoo xusay in ay hadda meel wanaagsan marayso, inkastoo uu xusay in caqabado soo wajaheen hore u socodka doorashada Golaha shacabka.

Amb Safiina ayaa xusay in hore Doorashadu uga socotay Kuraasta Gobolada waqooyi oo kuraastooda muqdisho lagu qabanayey,sidoo kale maamulada Koonfur galbeed iyo Galmudug, ayaa iyaguna qabtay dhankooda iyadoo haddana  maamulka  Jubaland shaaciyeen qabashada 14 kursi oo ka mida kuraasta Golaha shacabka ee lagu soo doorto Jubaland

Afhayeenka ayaa sheegay in sidoo kale Gudidda doorashada Beelaha Banaadirigu shaaciyeen qabashada 5 kursi oo lagu dooran doono Gobolka Banaadir maalmaha innagu soo aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here