Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo soo dhaweeyey heshiiskii Muqdisho

0
  • Guddiga Hirgelinta Doorashooyinku wuxuu soo dhoweynayaa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ay ka gaareen hannaanka doorashooyinka dalka, heshiiskaas oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayna ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Sheekh Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasis Xasan Maxamed (Laftagaren), Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxuud Maxamed Filish.

Heshiiskan ayaa kusoo aaday xilli muhiim ah oo baahi weyn loo qabo in dalka doorasho ka dhacdo.

Guddigu wuxuu u mahad celinayaa Golaha wadatashiga Qaran, bulshada Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay xallinta iyo dhammeystirka caqabadaha, kasoo noqday heshiiskii 17 Sebteembar 2020.

Ugu dambeyntii, Guddigu wuxuu ka codsanayaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay ka wada shaqeeyaan sidii heshiiskani u guulaysan lahaa, si wadanka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana lagu wada qanacsanyahay.

Guddigu wuxuu horeba dadaal xoogan ugu bixiyay diyaarinta dhammaan habraacyadii iyo xeerarkii hagi lahaa hannaanka doorashada 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here