Guddiga SEIT ee HirShabelle oo dib u dhigay doorashada 11 kursi + sababta

0

BELEDWEYNE (SMN ) – Guddiga doorashada ee maamulka HirShabelle ayaa shaaciyey inuu dib u dhac ku yimid doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta ku harsan degmada Beledweyne.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in dib u dhacaan uu ku yimid arrimo farsamo, balse ay dib ka shaacin doonaan xilliga la qabanayo doorashada kuraastaasi.

“Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) Waxuu Ogaysiinayaaa dhamaan daneeyaasha Doorashada in dib u dhac uu ku yimid jadwalkii soo gudbinta guddigu Xulista ergada ee guddigu shaaciyay taariikhda markii ahayd 02/03/2022 sababo Farsamo Awgeed. Guddigu dib ayuu ka soo shaacin doonaa Jadwal kale oo faahfaahsan sida ugu dhaqsiyaha badan.” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Guddiga SEIT ee maamulka HirShabelle.

Beledweyne ayaa waxaa haatan ka socda kulamo looga arrinsanayo doorashada kuraasta ku harsan magaaladaasi oo ah deegaan doorashada 2-aad ee maamulka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here