Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo u safray Baydhabo

0

Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka, Cabdullahi Abyan Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u safray dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xubnahan guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee ku wajahan Baydhabo oo ka kooban 6 xubnood ayaa goobjoog u noqon doona doorashada Aqalka sare ee Senatorada kasoo baxaya dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ka bilaabmi doonta magaaladaasi.

Doorashadan oo maanta dhaceysa ayaa waxaa lagu soo xuli doonaa illaa 5 Senator oo ka mid ah siddeeda kursi ee taalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay agagaarka xarunta ay ka dhaceyso doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here