Guddiga xalinta khilaafaadka oo u ambabaxay magaalada Kismaayo

0

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u safraya Dowlad Goballeedka Jubbaland.

Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Jubaland oo ka kooban 5 xubnood ayaa goobjoog unoqon doona Doorashada Aqalka sare ee senitorada kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Jubalanad oo maalinta Khamiista ka dhici doonta Magaalada Kismaayo.

Waxaa hore ugu sugnaa Jubaland Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo xubno ka tirsna guddigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here