Guddiga xallinta khilaafaadka oo farriin culus u diray mucaaradka

0

MUQDISHO (SMN) – Gudoomiyaha Guddiga xallinta khilaafaadka Doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa baaq u diray Midowga Musharixiinta Soomaaliya isaga oo ku eedeeyay in inta badan Midowga Musharixiinta ay ka hor yimaadan qaraarada ay soo saaran.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay mucaaradka inay ka fogaadaan waxwalba oo umadda Soomaaliyeed kala fogeynaayo isaga oo sheegay inay cabashooyinka ay qabaan ay iyaga si toos ah ula wadaagan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkoodii balse ay jiraan caddaadis ay kala kulmayaan dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa yiri: “Markasta oo aan kiisas noocaas ah qabano cadaadis badan wuu jirayaa oo nooga imaan kara meelo kala duwan, waxa aan jecel nahay in meelahaas cadaadiska naga daayaan oo howshaas iyagu noo igmadeen oo noo talo saarteen oo aan weliba ku hoggaamineyno habraacyada ay dejiyeen oo ay saxiixeen in ay nagu ixtiraamaan qolyahaas baan ugu baaqeynaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here