Guddiga xallinta khilaafaadka oo farriin u diray musharixiinta tabashada qaba

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa ugu baaqay musharaxiinta Barlamaanka in wixii tabasha ah ee ay qabaan u soo gubiyaan Guddiga iyadoo guddigu ka jawaabay eedayn Midowga Musharaxiinta ujeediyeen guddiyada doorashada, taasi oo ku saabsan in kuraasta la boobayo.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta khilaafaadka mudane Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in musharax kasta oo tabanayo cabasho ay u garnaqi doonaan oo aysan ogolaan doonin in muwaadin kasta aan la duudsiin doonin xaquuqdooda aas aasiga ah ee ku saabsan inuu wax doorto ama la doorto.

“Musharax kasta waxaan ka codsaneynaa in cabashadooda ay anaga toos noo soo marsiiyaan oo aysan la aadin baraha bulshada”. Ayuu yiri Mudane Maxamed Ibraahim Barre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here