Guddiga xallinta khilaafaadka oo hakiyey natiijada kursigii Mahdi Guuleed

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa war cusub kasoo saaray doorashadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu doortay laba kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka, gaar ahaan kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland).

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in la hakiyey ku dhaawaqista natiijada rasmiga ah kursigii koobaad ee uu kusoo baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, kadib dacwad uu guddiga u gudbiyey Xuseen Carab Ciise oo horay ugu fadhiyey kursigaasi.

Mahdi Guuleed ayaa ku soo baxay codad aad u badan oo gaaraya illaa 97 cod, sida uu shalay shaaciyey guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi.

Halkan hoose ka aqriso:-

Guddoonka Guddiga Hirgalinta Dooashooyinka Hcer Federal (GHDHF) Og: Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee Somaliland (GMDDX) Og: Golaha Wadatashiga Qaranka. Ujeedo: Ogaysiin Hakin Ku dhawaaqista Natijada Rasmiga ah ee Kursi Lumber HOP#239; Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Habraaca lagu dhisay GXKHDD ee soo baxay 1-dii Oktoober 2020, waxuu ku wargalinaysaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Foderal (GHDHE) in dacwad laga keenay Kursi Laumber HOP#239.

Soo dacwoode: Murashax: Xuseen Carab Ciise Haddaba Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021 Asagoo Gudanaaya Waajibaadkisa Shaqo ee loo igmadey wuxuu farayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Hoer Federal (GHDHF) in la hakiyo Ku dhawaaqista Natiijada Rasmiga ah ee Kursi Lumber HOP#239 laga bilaabo 02/11/2021l inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gubdiyay kursigaas.

GXKHDD wuxuu baarintaanka cadaymaha, dhagaysiga dhinacyada ay khusayso dacwadu, iyo ga’aan ka gaarista dacwada ku dhamaystiri doonaa muddo todobo (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa 02/11/2021 Waxayna go’aanka ugu gudbindoonaan soo dacwoodaha iyo dhamaan dhinacyada ay Khuseyso muddo afar iyo labaatan saacadood (24) gudahood ah oo ka bilaabanaya marka go’aanka la gaaro 20 Ugu dambayn, GXKHDD waxuu farayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka cc Heer Federaal (GHDHF) iyo Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Somaliland in ay si dhaw ula shaqeeyaan xubnaha GXKHDD ee dacwadan gacanta ku haya isla markaana dhawraan waqtiyada dhagaysigy dacwada ee lagu qeexey habraacyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here