Guddiga xallinta oo war cusub kasoo saaray dooda ka taagan kursiga Hop067

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa muddada u kordhiyey xilliga go’aanka laga gaarayo kursiga HOP#067, kaas oo dhowaan loo doortay agasimaha KMG ah ee hay’adda NISA, Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in dacawadda ay leedahay laba dhinac, loona baahan yahay in la sameeyo baaris dheeraad ah.

“Haddaba, Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Doorashada Dadban ee 2020/2021,
MARKUU OGAADAY: In Dacwada kursi lamber HOP#067 ay leedahay laba dhinac oo u baahan in si kala duwan loogu sameeyo baarintaan, dhagaysi iyo hubinta cadaymaha muhiimka ah si loo helo xog dhamysitian” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here