Guddiyada doorashooyinka oo faah faahiyey habraacyada ay soo saareen

0

Afhayeenka Guddiyada Doorashooyinka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay habraacyada ay soo saareen Guddiga  Hirgalinta  Doorashada Soomaaliya ee ku saabsan Golaha Shacabka.

Afhayeenka Guddiyada doorashooyinka Axmed Aadan Dagaal Safiina oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in habraaca uu ka hadlayo cidda ergada soo xuleyso oo ah madax dhaqameedka beesha, Golaha shacabku, shacabka ayaa iska leh, waa ergooyinka shacabka.

Mudane Axmed Safiina ayaa xusay in habraacyada ay sidoo kale ka hadlayaan sharuucda looga baahanyahay qofka murashaxa ah in uu soo maro, oo ah halka uu lacagta ku shubayo, goobta uu ka soo qaadanayo warqadda dambi la’aanta CID iyo sida ay u dhaceyso doorashada.

Afhayeenka guddiyada doorashooyinka Axmed Aadan Dagaal ayaa sheegay in ergadii ka qeyb-gasha hal doorasho oo Golaha Shacabka ah aysan markale ka qeyb qaadan karin doorasho kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here