Guddoomiyaha BF oo kulan la yeeshay saraakiisha laamaha ammaanka

0

MUQDISHO (SMN) – Ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS   mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyada.

Kulanka oo diirada lagu saaray xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xuriyadda iyo sidii ay ugu  qabsoomi lahaayeen  si nabad ah, kulanka  oo ay  goobjoog ka ahaayeen saraakiisha Amniga qeybahooda kala duwan.

Sidoo kale ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka  ayaa laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejig naan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xurriyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here