Guddoomiyaha BF Somalia oo la kulmay saraakiisha ku sugan Xudur + Sawirro

0

XUDUR (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, ahna ku-simaha Madaxweynaha Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka Qeybta 60-aad, Guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska ee ku sugan Xudur ku boggaadiyay sugidda amniga deegaanada iyo dadaalka joogtada ah ay ku bixiyaan la dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kal wuxuu ku dhiirageliyay saraakiisha ciidanka in aysan marnaba ka niyad jabin dagaalka dalka looga xorreynayo Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Xudur, waaana booqashadiisii ugu horreysay tan iyo markii loo doortay xilka afhayeenka Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here