Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Dastuurka BF oo xilka la wareegay

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shaacbaan Ibraahim oo ay wehlisay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa ka qayb galay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen guddoomihii hore ee Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) iyo Guddoomiyaha Cusub Xildhibaan Xuseen Iidow.

Guddoomiyihii hore ee Guddiga Dastuurka Senator Cabdi Qaybdiid oo guddoomiyaha Cusub ku wareejiyay nuqul dhammeystiran oo ku saabsan qodobbadii dib-u-eegista ay ku sameeyeen iyo habraacii lagu shaqayn lahaa,ayaa dhinaca kale soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dhammeystirka Dastuurka iyo guulaha ay ka gaareen dadaalkoodii ku aaddanaa dhammeystirkiisa.

Guddoomiye Cali Shacbaan iyo Guddoomiye Sacdiya Yaasiin oo ka sheekeeyay muhiimadda Dastuur dhammeystiran uu u leeyahay geeddi-socodka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee dalka, ayaa ku bogaadiyay Guddiyadii hore Dastuurka shaqadii wanaagsaneed ee  ay ka soo qabteen qabya-tirka Dastuurka  iyo heerka wanaagsan ee ay soo gaarsiiyeen, ayaa sidoo kale faray guddiga cusub ee Dastuurka in looga fadhiyo qabya-tirka Dastuurka  ka guddoon ahaanna ay ku gacan siin doonaan shaqadaas loo igmaday.

Kulankan waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsnaa Guddigii hore ee Dastuurka oo uu ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamud iyo  xubno kale oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here