Guddoomiyaha degmada Waaberi oo la kulmay wafdi ka socday dalka Talyaaniga

0

Guddoomiyaha degmada Waaberi Sugaal Cali Ayaanle ayaa kulan la qaatay madax ka socotay hay’adda, ITALIAN NATIONAL SECURITY ELEMENTS (ITNSE).

Mas’uuliyiintii ka socotay hay’adda iyo guddoomiye Sugaal ayaa ka wadahadalay sida lagu hirgelin karo mashaariic horumarineed oo laga fulinayo degmada, si bulshada Waaberi ay uga faa’iideystaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay dhowaan si wadajir ah xarigga uga jari doonaan garoonka ciyaaraha degmada Waaberi oo haatan uu ka socdo dib u dayactir ballaaran.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyay shaqada ay lasoo qabteen, madaxda hay’adda, ITALIAN NATIONAL SECURITY ELEMENTS (ITNSE) iyo sida ay ugu heelan yihiin in ay caawiyaan bulshada degmada Waaberi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here