Guddoomiyaha gobolka Mudug oo la kulmay wafdi ka socda hay’adda UNHCR

0

GAALKACYO (SMN) –  Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Ahmed Xuseen shire Bukhaari ayaa Xarunta Gobolka Mudug ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNHCR ayna hoggaaminaysay Madaxa Cusub ( HEAD SUB OFFICE) MONIOUE RUDACOGORA, laguna sagootinayay Madaxii hore Mohamed Shekinweri.

Guddoomiyaha Gobolka mudug mudane, Ahmed Xuseen shire Bukhaari oo ay wehliyaan Agaasimayaasha Maamulka Gobolka mudug ayaa kulanka la qaatay wafdigaan ka socday Hay’adda UNHCR.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta mamaulka Gobolka mudug iyo Madaxa Cusub ee taageeridda Bulshada tabaalaysan ee Gobolka Mudug kuwaas oo saameyn ku yeelatay Abaarta Dalka ka jirta.

Guddoomiyaha Gobolka mudug mudane Ahmed Xuseen shire Bukhaari ayaa kaga mahad celiyay Madaxa Cusub ( HEAD SUB OFFICE) MONIOUE RUDACOGORA iyo dhamaan shaqaalaha UNHCR isagoona kula dardaarmay inay Maamulka Gobolka mudug ka garab siiyaan Gurmadka loo sameynayo Dadka abaartu ku saamaysay ee Gobolkaan ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here