Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Xudur+SAWIRRO

0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Bokool, kan degmada iyo dadweyne aad u tira badan.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka iyo Guddoomiyaha degmada oo Guddoomiyaha uga warbixiyay xaalada gobolka iyo guud ahaan deegannada ku xeeran, iyagoo sheegay in gobolkan uu muddo go’doonsan yahay islamarkaana dadka degaanka aysan helin nolol ku filan iyo Kooxda Al-Shabaab oo dadka u diiday xornimo inay ku noolaadaan.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa maamulka iyo shacabka magaalada Xudur ku ammaanay sida dadka deegaanka ay u diideen inay wax ku darsadaan kooxda Al Shabaab, isla-markaana muujiyeen dhabar adeeg iyo geesinimo isagoo xusay in ay hada diyaar u yihiin iska xorreynta kooxdan caadeysatay gummaadka ummadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here