Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo wadahadal la yeeshay dhiggiisa Finland

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa khadka taleefanka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Mudane Matti Vanhanen.

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wadahadleen xiriirka iyo saaxibtinimada labada baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda.

“Maanta waxaan khadka taleefoonka kuwada hadalnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Mudane Matti Vanhanen, waxaana kawada hadalnay xiriirka iyo saaxibtinimada labada baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda. Sidoo kale waxaan isla soo qaadnay xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Finland ee dhinacyada horumarka iyo kobaca dhaqaalaha” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here