Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka oo gaaray magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT Muuse Geelle Yuusuf ayaa maanta gaaray magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay..

Muuse Geelle ayaa waxaa safarka ku wehlinaya xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka iyo wasiiro ay ka mid tahay Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ujeedka ay wafdigan u tegeen Baydhabo ayaa ah xalinta tabashada ay Koonfur Galbeed ka qabto dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Beri oo Khamiis ah, kuna beegan 14-ka April ayaa lagu wadaa in la qabto munaasabadda dhaarinta oo ka dhaceyso hool ku yaalla Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here