Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo u amba-baxay Garoowe

0

MUQDISHO (SMN) -Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Maxamed Cawil Warsame ayaa saaka safar shaqo u aaday magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Xubnaha guddiga oo ka kooban 4 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada Golaha Shacabka BFS  ee ka dhici doonto Puntland.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa uu marwalba diyaar u yahay ka garnaqida Khilaafaadka Doorashada Dadban ee golaha shacabka BFS.

Halkan hoose ka daawo sawirro:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here