GAROOWE (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka SoDMA Mudane Mahamoud Moallim Abdulle iyo Wafdi oo uu Hogaaminayo oo ay ku jiraan Masuuliyiin ka tirsan hay’adda ayaa maanta gaaray gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta u ah Dowlad goboleedka Puntland.
Wafdigaan ayaa waxaa garoonka Genaral Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.
Ujeedka Wafdigaan ayaa ah sidii ay gargaar u gaarsiin la haayeen shacabka ku barakacay dagaallada ka socdo magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Dhammaad