Guddoomiye Cabdi Xaashi oo qaabilay safiirka dowladda Sacuudiga + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka SareĀ  ee Soomaaliya Senator Abdi Hashi Abdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Saalax Almuwallad.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha ugu tegay salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa iyo sida hufnaanta laheyd ee ay u qabsoontay doorashadii Guddoonka Aqalka Sare iyo tii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka Labada Dal Soomaaliya iyo Sacuudiga ee walaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here