Guddoomiye Cabdi Xaashi oo la kulmay wafdi ka socdo dalka Yemen + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sareย  ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hoygiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha ee dalka Yemen Dr. Axmed Cawad bin Mubarak, oo booqasho ku jooga Dalka.

Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud ee labada dal, dhibaatada argagixisada iyo sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada Dal.

Guddoomiyaha iyo Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Wasiirka arrimaha dibadda XFS, Mudane Abshir Cumar Jaamac iyo xubno kale.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here