Guddoomiye Cirro oo kulamo ka bilaabay magaalada Kismaayo

0

Waxaa magaalada Kismayo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Dowlad gobaleedka Jubbada kulan ku yeeshay Xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal Mudane Maxamed Xasan Cirro iyo xubnaha kale ee guddiga  ayaa kala hadlay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dowlad Goboleed Jubaland  ahanaanka doorashooyinka ka dhacaya qeybo ka mid ah degaanada maamulka  Jubbaland iyo sida ugu wanaagsan ee loo hirgalin karo doorashada.

Guddiga doorashooyinka heer Faderaal iyo  kuwa Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa isla qaatay in la dardargaliyo howlaha doorashooyinka oo si weyn ay indhaha ugu hayaan bulshada Soomaaliyeed iyo aduunka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here