Guddoomiye ku xigeenkii siyaasadda degmada Yaaqshiid oo qarax lagu dilay

0

MUQDISHO (SMN) – Allaha u naxariistee waxaa xalay qarax ka dhacay degmada Kaaraan lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha siyaasadda ee maamulka degmada Yaaqshiid, Macallin Xuseen Filla-wayne.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa loogu xiray gaarigiisa, xilli uu ku sugnaa xaafadda Buulo Maxaay ee degmada Kaaraan, sida ay Shabelle u sheegtay xaaskiisa Maryan Maxamed.

Guddoomiyaha ayaa isla goobta ku geeriyooday, waxaana meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhacaya caasimadda, wuxuuna ugu dambeeyey weerarkii xooganaa ee lagu qaaday hoteelka Xayaat.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here