Guddoomiye Liibaan Cali Yarow oo shaaca ka qaaday tallaabo ay qaadayaan

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Maxkamadda Saree ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya, Mudane Liibaan Cali Yarow oo maanta ka qayb-galay shirka Garsoorka dalka oo ka furmay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, sida tacaddiyada loo geysto gabdhaha Soomaaliyeed iyo isbaarooyinka ay dhigtaan maleeshiyaadka hubeysan.

Liibaan Cali Yarow ayaa shaaca ka qaaday in Maxkamadda Ciidamada ay qaadi doonto tallaabo wax looga qabanayo falalka la xiriira kufsiga oo maalmahaan aad usoo badanayay iyo isbaarooyinka oo uu horay madaxweyne Xasan Sheekh u amray in wax laga qabto.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa farriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo uu baaqay inay la shaqeeyaan garsoorka, si loo helo nidaam ku dhisan wada shaqeyn iyo cadaalad.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dowladda federaalka ay qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo kooxaha dhigta isbaarooyinka iyo kuwa dilalka ka geysta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, waxaana u dambeysay oo shalay gacanta Booliska Soomaaliyeed soo galay laba askari oo siyaabo kala duwan dilal uga geysatay magaalada Muqdisho iyo Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here