Guddoomiye Sacdiya Yaasiin oo deeq gargaar ah gaarsiisay Garoowe + Sawirro

0

GAROOWE (SMN) – Guddoomiye ku-xigeenka 1-Aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiya Yaasin Samatar oo gaartay magaalada Garoowe ayaa gaarsiisay deeq gargaar ah dowlad goboleedka Puntland.

Waxaa Garoonka Magalada Garoowe ku Soo Dhaweyey Qaybaha kala duwan ee Maamulka gobalka Nugaal, Wasiir Ku Xigeenka Gargaarka Puntland,Xildhibaano Ka Tirsan Golaha shacabka BJFS Iyo Masuliyiin Kale.

Gudomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Golaha shacabka BJFS Marwo Sadia Yaasin Samatar ayaa Deeq Gargaara Gaarsiisay Maamul gobaleedka Puntland si Abaarta Daran Ee Goboladda Puntalnd Ka Jirta Gurmad Loogu Fidiyo.

Marwo Sacdiya ayaa sheegtay in aysan ahayn Deeqdii Ugu Danbeysay aysan Ahayn Balse Si Dadka Liita Loogu Gurmado Ay Deeqdan U Soo Hormariyeen Shacabka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here