Marwo Sacdiya Yaasiin oo la kulantay wafdi ka socda dalka Mareykanka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasin Samatar ayaa kulan la qaadatay Ku Xigeenka Madaxa Arrimaha Bariga Afrika, ee Maraykanka Carla Benini  oo ku sugan caasimadda Muqdisho.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii Soomaaliya hore loogu sii wadi lahaa si wadajir ah iyo doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska dalka.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale qayb ka yahay dagaalka ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here