Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay wafuud caalami ah

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa la kulmay Madaxda Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia) Mudane Farantz Celestin iyo madaxa Afrika iyo Bariga Dhexe ee Hay’adda Caalamiga ah ee Dimuqraadiyadda iyo Caawinta Doorashada (International IDEA) Mudane Roba Sharamo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Golaha Shacabka iyo hay’adahan ay uga wada shaqeyn lahaayeen aqoon kororsi ku aaddan tayaynta Golaha Shacabka.

Sidoo kale madaxda hay’adaha ayaa adkeeyay sida ay diyaar ugu yihiin taageerada iyo xoojinta hay’adda sharci dejinta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here