Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay danjiraha dalka Mareykanka

0

MUQDISHO (SMN) – Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dalka Mareykanka Mudane Larry Andrè.

Danjire Andrè ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan uga mahadceliyay sida dowladda Soomaaliyeed ay ula shaqeeyso wadamadda beesha caalamka ayaa taageeray dib u heshiisiinta uu guddoomiyuhu ku dhawaaqay islamarkaana dhawaan loo madlanyahay inay ka bilaaban doonta magalada Baydhabo ee caasimadda KMG Koonfur Galbeed. Sidoo kale Amb. Larry Andrè ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay si buuxda u taageeri doonto horumarinta Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gabagabada kulanka ku boggaadiyay dowladda Mareykanka taageerada iyo mashaariicda horumarineed oo ay ka fulisay Soomaaliya iyo taageerada dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaariijta oo cadow ku ah jiritaanka iyo qaranimada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here