Guddoomiye Yabooh oo war cusub ka soo saaray amniga Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka hadlayey xaaladda magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin dheeraad oo lagu sugayo amniga caasimadda.

Yabooh ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadayaan howlgallada lagula dagaalamayo ciyaar weerada iyo burcadda hubeysan ee ka socdo degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu farriin u daray waalidiinta iyo odayaasha, isaga oo ka dalbaday in aysan soo daba kicin cidda ay fal dambiyeed ku soo qabtaan hay’adaha ammaanka ee dowladda.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ay kordhiyeen howlgallada ka socdo magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu soo qabtay burcaddii ugu badneyd ee dhaca ka geysan jirtay gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here