Wararkii ugu dambeeyey ee xil ka qaadista Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka

0

MUQDISHO (SMN) – Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa shaaca ka qaaday inay xil ka qaadis ku sameeyeem guddoomiyihii guddigaasi, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo ay u jeediyeen eedeymo kala duwan.

Xubnaha guddiga oo gaarayey illaa 18 ayaa 15 ka mid ah waxay u codeeyeen xil ka qaadista guddoomiyaha, halka saddexda kalena ay ka hortimid.

Guddiga doorashooyinka ayaa ku eedeeyey Cirro xil gudasho la’aan iyo inuu horay usii wadi waayey doorashooyinka dalka.

Dhanka kale guddoomiye Cirro oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka horyimid xil ka qaadista lagu sameeyey, wuxuuna sheegay inay la siyaasadeynayo doorashooyinka.

“Doorashada dalka siyaasad ayay ka socon la’ dhahay, cid xil iga qaadayna ma jirto,” ayuu yiri guddoomiye Cirro.

Arrintan ayaa uga sii dareysa dooda ka taagan hannaanka doorashada oo ay haatan isku hayaan dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo xubnaha mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here