Guddoomiyihii maamulka deegaanka Garasbaaley oo qarax lagu dilay

0

Guddoomiyihii maamulka deegaanka Garasbaaley AUN Maxamed Abuukar Afrax ayuu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax maanta lala beegsaday gaarigiisa.

Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen laamaha amaanka guddoomiyaha ayaa waxaa gaaray dhaawac halis ah sida laga arki karay gaarigiisa.

Qaraxa ayaa waxaa lagula eegtay waaxda Fooriloow oo ah inta dhaxeysa degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaley.

Bishii May ee sanadkan ayey aheyd markii duhur Jimco ah qarax lala eegtay guddoomiyihii ka horreeyey marxuum Cabdiraxmaan Garyare, sidoo kale waxaa horay qaraxyo kale loogu dilay guddoomiye ku xigeenkoo amniga iyo guddoomiyihii dhalinyarada ee Garasbaaley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here