Guddoomiyihii maamulka degmada Qoryooley oo qarax lagu dilay

0

QORYOOLEY (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo goordhow ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu dilay guddoomiyihii maamulka degmada Qoryooley, Say Cali Ibraahim iyo askar la socotay, kaas oo ka dhacay agagaarka buundada Qoryooley.

Geerida guddoomiyaha waxaa ka hadlay madaxweynaha Koonfur Galbeed oo tacsi u diray ehellada, isagoo marxuumka uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowsa.

Sidoo kale madaxweyne Lafta Gareen ayaa qaraxa lagu dilay mas’uulkaasi ku eedeeyey Al-Shabaab, wuxuuna faray ciidanka ammaanka inay sameeyaan baaris deg-deg ah.

Guddoomiyaha la dilay ayaa hoggaaminayey degmada Qoryooley muddo dheer, waxaana u suurtogashay inuu dhiso ciidamo Boolis ah oo gacanta ku haya amniga degmadaasi.

Horey Al-Shabaab ayaa qarax ismiidaamin ahaa ugu dilay guddoomiyihii maamulka degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, Marxuum Cabdullaahi Waafow, xilli uu ku sugnaa xafiiskiisa, kadib markii uu beegsaday nin isku soo xiray walxaha qarxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here