Guddoomiyihii maamulka Marka oo lagu dilay qarax ka dhacay degmadaasi

0

MARKA (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goordhow qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii maamulka degmadaasi, Marxuum Cabdullaahi Cali Waafow.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay goob uu ku sugnaa guddoomiyaha, waxaana sidoo kale ku dhintay 11 qof oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo ka hadlay qaraxa ayaa ka tacsiyeeyey geerida guddoomiye Waafow & dadkii ku dhintay weerarkaasi.

“Inaalillahi wa inaa ilayhi raajicuun, waxaa muraga la qeybsanaya shacabka degmada Marka oo maanta ka baxay nin qiima badan u lahaa Alla yaa raxma Gudomiye Waafow. Dadkii ku dhintay ilaahay ha u naxriisto dadkii ku dhaawacmayna alle caafimaad degdeg ah ha siiyo,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, waxayna shaacisay in guddoomiyihii degmada Marka iyo saraakiil kale ay ku dileen weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here