Hadal jeedinta musharixiinta Aqalka sare ee S/land oo ka socota Xalane

0

MUQDISHO (SMN) – Hadal jeedinta musharixiinta Aqalka Sare ee gobolada waqooyi ayaa goor dhow ka bilaabatay hoolka Teendhada Afisyoone ee Xerada Xalane.

Musaanabadda furitaanka hadal jeedinta ayaa waxa ka qayb Galay Ra’iisul wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo marti sharaf kale.

Khudbadaha musharixiinta ayaa qorshuhu yahay in maanta la soo gabo -gabeeyo, iyada oo isla beri ay bilaaban doonto soorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland.

Doorshada Soomaaliya, gaar ahaan mida Golaha Aqalka Sare ayaa haatan mareysa heer gaba-gabo ah, iyada oo kadib la sii guda-geli doono tan Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here