Halkee ayey marayaan dadaallada lagu soo deynayo Sheekh Roobow?

0

MUQDISHO (SMN) – Siyaasiga Yuusuf Xasan Mursal oo ka mid ah saaxibada siyaasadeed ee Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay halka ay marayaan dadaallada ay ku doonayaan in lagu sii daayo wadaadkaasi oo muddo saddex sano iyo bar ku xiran magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mursal ayaa sheegay in kulan la xiriira arrintan ay la yeesheen guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku qaabilay Villa Hargeysa, waxaana uu sheegay inay ka wada-hadleen xarigga Abuu Mansuur iyo sidii uu dib ugu heli lahaa xorriyaddiisa, iyaga oo shaaca ka qaaday in si baal-marsan sharciga loo soo xiray.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in culeys xoogan uu uga imaanayo bulshada Koonfur Galbeed oo dalbanaya, sida uu shaaciyey in lasoo daayo Sheekh Mukhtaar Roobow.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Roobow markii ugu horreysay loo ogolaaday inay booqdaan xubno ka tirsan qoyskiisa iyo saaxibadiisa siyaasadda, waxayna arrintaas ku soo beegantay, kadib doorashadii Madaxweynaha ee la qabtay 15-kii bishii May ee 2022-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar labaad loo doortay hoggaanka ayaa horey u ballan- qaaday in xabsiga uu ka soo deynayo Sheekh Mukhtaar oo arrimo siyaasadeed u xiran.

Dhamaadkii 2018-kii ayaa Roobow laga soo xiray magaalada Baydhabo, xilligaas oo uu ahaa musharax u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here